ISKAHORIMAAD KHASAARO GEYSTAY OO CIIDAMADA DOWLADDA MUQDISHO KU DHEXMARAY
11/12/2013 12:07Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ku dagaalamay xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile, kadib muran soo kala dhexgalaya labada ciidan ee wada dagaalamay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada kawada tirsan Dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga ay ku dagaalameen lacago isbaaro ah oo ay ka qaadi jireen gaadiidka.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa Xisbiga D.p.p uxaqiijiyay in ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga ay halkaasi ku dagaalameen oo uu ka dhashay khasaaro dhimasho ah.

Hal askari oo Milateri ka tirsan ayaa geeriyooday, lama sheegin wax dhaawac ah iyo khasaaro intaasi ka badan.
Ciidamada wada dagaalamay, ayaa waxaa soo kala dhexalay ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo kala dhexgalay ciidanka.
Ciidamada Milateriga ayaa ku dagaalama lacagaha isbaaroyinka ay ka qaataan gaadiidka.
———
Back